Dhibaatooyinka barbar socda uurka

1. Waxaanu aaminsanahay, hadaanu nahay ururka Donum vitae in noloshu ay tahay haddiyad, xitaa nolosha ilmaha aan weli dhalan ee caloosha ku jira. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira xaalado nolosha kula soo gudboonaada, xaaladahaas ama dhibaatooyinkaas aad u aragto dhibaato weyn,taasoo kugu dhalisa ama kuula muuqata mid in ilmahaan ama uurkaan aad sii sido waqti xaadirkaan suuro gal ahayn.

Xaaladahani waxay ka mid yihiin ama keenaan, walwal, xag caafimaad ama dhibaatooyin xag dhaqaale, isfaham la,aanta qoyska, cabsi, ku keli ahaansho xaaladda cusub, argagax ama cabsi aad hore u soo martay safarkaadda qoxootinimo ama baqdin aad ka baqaysid ku keli ahaansho nolosha ama xabiib la,aaan.

2. Haddii aad fekeraysid in ilmaha uurka ku jira iska soo xaaqdo ama tuurto, wadanka jarmalka waxaa ka jira sharci xadidaaya iska soo tuurida ilmaha uurka ku jira, waana 12 usbuuc gudohooda intaaa waqtigaa lagu gudo jiro waa in aad la xiriirtaa meelaha lagala taliyo haweenka uurka leh ee doonaaya in ay iska soo xaaqaan sida uu dhigaayo sharciga (§ 219 StGB) doono ama raadso meelaha lagala taliyo haweenka uurka leh si laguula taliyo.tani iyo cadeynta latalinta waxay cadeyn u yihiin dembi la,aanta iska soo xaaqida uurka.

Latalinta ama talosiinta waa lacag la'aan waana sir u dhexeysa adiga iyo ururkaas. Taliyeyaasha lagama yaabo, adiga oo aan ogolaansho qoraal ah kaa helin in ay sirtaada cid kale la wadaagaan. Qofkalena looma sheegaayo dhibaatadaada ama arintaada. Haddii loo baahdo, qof turjubaan ah ayaa laguugu wacayaa, turjubaankaas oo sidoo kale aan sharciga u ogolaahaynin in uu sirtaada faafiyo. Sidaas daraadeed kalsooni buuxda ku qab waadna ka hadli kartaa dhibaato kasta oo welwel iyo walbahaar kuugu haysa.

Waxaan kaala shaqeyn doonaa mustaqbalkaada iyo rajada nolosha adiga iyo ilmahaaga. Wadahadalka wuxuu gogoldhig u yahay in aad dareento isku kalsoonaan iyo in aad dantaada garato. Waa wadahadal furan. Waxaan kaa caawinayna ama kuula garab taaganahay go,aan ka gaaridda arimahaada ,go'aan kasta adigaa u madaxbannaan anagana waanu kugu ixtiraamaynaa go'aankaas.

Raga iyo dumarka waxay heli karaan in qoys ahaan loola taliyo, ama keli keli ahaan. Amawaxay kaloo soo kaxaysan karaan qof kaloo sadexaad oo ay kalsooni buuxda ku qabaan tusaale ahaan Hooyada, walaashaa ama saaxiibadaa.

Haddii aad doonaysid, ka dib markii la talinta ay dhamaato, waxaa lagu siinayaa warqad cadeynaysa inaad latalinta soo martay.

Waxaad awood u leedahay in aad hal mar ama dhowr jeer latalinta ku soo noqnoqoto ilaa aad go'aan kama dambeys ah aad ka gaaraysid kaas oo ah in aad ilmaha yar iska soo xaaqdo iyo in aad uurkaada deysato. Haweeney kasta waa inay go'aanka ayada ka yimaadaa, ninkuna way ka madaxbanaantahay go,aankeeda.

Sidoo kale waxaa jira,wadooyin kale oo kuu banaan oon ahayn iska soo xaaqida ilmaha, in aad ku dhasho meel qarsoodi ah oo cidkale ku ogaanaynin dhalmadaa ka dibna aad u ogolaato ama aad siiso in ilmahaa yar cid u baahan oo kale ay korsato.lataliyaasha waxay ku siin doonaan macluumaad badan oo la xiriira arintan waxayna kuula garab taaganyihiin caawinaado badan.

Waqtiyada ama saacadaha ay xiranyihiin xafiiyada talosiinta kuulana soo gudboonaato xaalad degdega waxaad wici kartaa telefoonka lambarkiisu yahay 0800 4040020 halkaas waxaa diyaar kuugu ah shaqaale luqado badan ku hadlaaya loo loo carbiyey in ay haweenka uurka leh telefonka ka caawiyaan waana lacag la,aan habeen iyo maalinba diyaarbay kuu yihiin.

Lataliyeyaasheenu waxay kaloo kaala talin doonaan wixii xag dhaqaale ama wixii dhibaato ah ee muuqda waqti xaadirkan oo u baahan in degdeg loo xaliyo (Lacagaha saqada ah ee kaniisada ay bixiso, xaga shaqada, xaga guryaha, xaga caafimaadka, xaga xanaanada caruurta, caawinaado kale oo badan).

Macluumaadka aad u baahan tahay in aad ogaato ka hor ilmo iska soo xaaqida

1. Talosiinta ama latalinta iyo iska soo xaaqida uurka waa in ay ugu yaraan 3 maalmood u dhexeysaa. Iska soo xaaqida uurka waxaa jira labo hab mid daawo aad qaadanaysid iyo mid inta lagu suuxiyo lagaa soo xaaqaayo( Qaliin)

Waana khasab in dhakhtar / dhakhtarad ay sameeyso.

La taliyuhu wuxuu kaa caawin doonaa sidii aad ku heli lahayd xarun caafimaad,xaruntaas oo uu joogo qof afkaada hooyo ku hadlaaya haddii loo baahdana waxaa ku raacaya lataliyaha. Haddii aad doonaysid waxaad hore u soo kaxaysan kartaa qof tarjubaan ah oo aad ku kalsoontahay.

Ilmo iska soo xaaqida midka ​​qaliinka ah caadiyan waa lagu suuxinayaa( suuxdin waqti gaaban ah) markaas ayaa lagaa soo xaaqayaa waxaana lagu sameeyaa rug caafimaad ama cusbitaal ka bacdina markay sunta suuxdinta ay jirkaada ka baxdo gurigaada ayaad aadaysaa.fadlan diyaarso haddii ay suurogal kuu tahay qof ku soo kaxeeyaama kaa soo wada cisbitaalka iyo qof caruurta kale kuu eega haddii aad caruur leedahay ama weydiiso caawinaad lataliyahaaga.

Iska soo xaaqida habka daawada waxaa la sameyn karaa oo kaliya inta lagu gudo jiro toddobaadka 9-aad ee uurka. Halkan waxa caafimaadkaada la socon doona(kuna soo kormeeri doona dhakhtar) laba daawooyin oo laba maalmood u kala dhexeysa taas oo soo ridaysa ama tuuraysa uurka.

Dhiigbax yar, labolabo iyo xanuun fudud waa waxyeelo iska caadi ah. si kastaba ha ahaatee, haddii ay qandho ku qabato, xanuun daran oo xaga caloosha hoose ah ama dhiig badan kaa soo daato, waa inaad si degdeg ah ula xiriirtaa dhakhtarkaada / ama dhakhtaradaada haweenka.

Labo usbuuc ka dib iska soo xaaqida uurka waxaad leedahay baaritaan.

2. Ka hor intaadan uurka iska soo xaaqin, waa in aad iska hubisaa yaa bixinaaya kharashka: cida bixinaysa waxay ku xirantahay xaaladdaada dhaqaale. Haddii aad shaqaysid iyo mushahar ku filana aad qaadatid, kharashkaada adigaa isku qaba. Haddii aad lacagta qoxootiga keliya ama ALG 2 ku soo gasho oo lacag kale ku soo galin, markaasi waa lacag la'aan ilmo iska soo xaaqida. caymiska caafimaadka ayaa wuxuu ku siinayaa warqad cadayn ah oo ah in uu kharashka uu bixinaayo.

3. Fadlan warqadda cadeynta ah ee lacagta lagaaga shubaayo hore u qaado: markaad tagaysid rugta caafimaadka ama cisbitaalka:warqadda cadeynta in lacagta ay bixinayaan caymiska, warqada cadeynta lataliyeyaasha, warqadda soo gudbinta, kaarka caafimaadka, ama warqadd u dhiganta kaarka caafimaadka, iyo haddii aad haysatid cadeynta ama kaarka nooca dhiigaada uu yahay, ama buuga yar ee hooyada iyo dhalaanka.

4. Haddii aad go,aansatay in aad uurka ama ilmaha iska soo ridid ka dibna aad u sii baahan tahay in laguula taliyo, lataliyeyaasheenu dabcan diyaar bay kuu yihiin waxayna kaala talin doonaan hababka ugu wanaagsan kala dheereynta caruurta iyo ka hortagga caruurta.

Fadlan xusuusnow labo usbuuc dabadeed in ay suurogal tahay inaad uur kale qaadid.

Waxaan ku siinaynaa waqti kugu filan- donum vitae.