Ma dhasho ama markaad caruur aad dhali weydo

  • Ma rabtaa ama ma jeceshahay inaad in aad caruur dhasho?
  • Ma dhibaato ayey kugu tahay in aad uur qaadi weydey?
  • Haddii ay sidaas tahay sidee caawinaad ugu heli kartaa wadanka jarmalka?

Reero badan ayaa doonaya inay caruur dhalaan. Haddii ay reerkaasu hal sano isku galmoodaan iyagoo wax dhalmada ka hor taga isticmaalin ilmana ay dhali waayaan waxaa loo malaynayaa in qaybta bacriminta uu dhib ka jiro karo. Sababta badanaa waxay ka imaadaan ragga ama haweenkaba. Waxaa kaloo keeni kara in da,da ay wayn tahay dhib dhanka faraca ama dhanka harmoonada ah ama cuduro ay  jiraaan iyo wixii la mid ah.

Maadaama ay fududahay waxaa wanaagsan in ninka shahwadiisa tayadeeda la baaro.Baaritaanka haweenka weey ka yara culus tahay tan ragga waxaana badanaa suuragal ah in baaritaanka ka dib qaliin yar la sameeyo.

Haddii la ogaado sababta ilmo la,aanta keentay hase yeeshee qaxootinimadaada weli la aqoonsan  arintaas darted aadan caymis caafimaad lahayn waxay taasi keeni kartaa qarash xoog leh oo ay tahay inaad adiga bixisid si baaritaano dheeraad ah loo sameeyo. Xataa haddii aad caymis caafimaad leedahay qarash kale oo dheeraad ah ayaa laguugu soo dalici doonaa.

Qolada caafimaadka xaga taranka la tacaasha waxay ku siin doonaan daawooyin harmoone ah oo suuragal ka dhigaaya in aad uur qaado,haddii markaa taas suuroobi weydo oo aad uur qaadi weydo waxaa loo gudbayaa marxalada kale ee ah in marka hore labada shahwo banana layskugu daro( Bacrimin) ka bacdina laguugu shubo ama mida ah in shahwada raga toos minka ama maxalka loogu daadiyo waxaana afka qalaad lagu yiraahdaa ( IVS iyo ICSI)

Lataliyahaaga ururka donum vitae wuxuu warbixin kaa siin doonaa arinta dhalmada.habka jir dhismeedkaada,fursadada iyo dhibaatooyinka ka imaan kara daawaynta noocaan ah.

Caruur la,aantu waxay reerku ama qoyska ku soo kordhin kartaa culays weyn.

Naxdinta weyn ka dib markii laguu sheego baaritaanka wixii jawaab ah ee ka soo baxay ee ah in aadan si caadi ah uur u qaadi Karin ama caruur u dhali karin waxaa kula soo gudboonaan kara dhibaatooyin jir iyo maskaxiyan ah kuwaas oo la socda rajo xumo, degenaansho la,aan,iyo niyad jab. Mararka qaarkoodna waxaaba dhici karta in uu sabab u noqdo qoyska oo muran iyo dood soo kala dhexgasha.

Qaybteena la talinta waxay hiil iyo hooba kuula garab istaagi doonaan waqtigaan adag ee noloshaada.Waqti badan ayaan ku siin doonaa aan kaala hadalno ama talino jidka ugu wasaagsan ee ugu bixi kartid waqtigaan adag ee niyadjabka, xanaaqa, hinaasaha iyo in aad isku arkin madhaleysnimada ama caruur la,aantaan in aad qaladkeeda ama sababteeda adigu leedahay. Waxaan kaloo kaala hadli doonaa heerka uu wadankiina madhalaysnimada ama caruur la,aanta ka gaarsiisanyahay, Haddii uu cadaadis badan kaaga yimaado xaga qoyskaada waxaan kula eegaynaa habab kale oo aad caruur kale oo aad korsoto ku heli kartid.