Baaritaano ka hortag ah oo la sameeyo marka aad tahay uuryarida/Baaritaankaas waxaa lagu ogaanayaa in ilmaha yar uu caafimaad qabo ama ku dhalan doono iyo inkale

Inta badan caruurta wadanka Jarmalka caafimaad qab ayey ku dhashaan.
Inta aad uurka leedahay iyo dhalmada waxaad ku kalsoonaataa in si wanaagsan laguula dhaqmi doonaa

Haweenka  uurka leh ee wadanka Jarmalka waxay wada aadaan baaritaan ka hor tag ah xataa haddii ay caafimaad qabaan waxaa muhiim ah inaad dhaqtarka haweenka ama umulisada si joogto ah ula xiriirtid.
Baaritaanadaas waxaa ka mid noqon doona baaritaano  saddex jeer oo kambutuuter ah Waxaad xaq u leedahay inaad go,aan ka gaarto haddii cuduro gooni ah ilmaha caloosha ku jira  laga baaraayo iyo in kale, xaqna waad u leedahay baaritaanada noocaan ah in aad diido. 

Dhaqtarka ama dhaqtarada haweenka waxay kula socodsiin doontaa in ay jiraan fursado baaritaano ka hor tag ah oo lagu ogaanayo in ilmaha uurka ku jira caafimaad qabo iyo in kale. Waxaana la ogaanayaa in ilmahaan uu caafimaad qabo iyo in lixaadkiisa u dhanyihiin iyo inkale kuwaas oo la ogaanaayo intuusan dhalan ka hor.

Baaritaanada noocaan ah waxay noqon karaan kuwo welwel kugu abuuura ma kuwa aad ku niyad qabowdo waayo waxaa jira marar dhif ah ama dhici kara in ilamaha yar cudurkaa laga daaweeyo. Baaritaanadaas marmarka qaarkood ma sheegi karaan heerka culayska ilmaha saaran ama curyanimadiisa heerka ay gaarsiisan tahay. Waxaan kaala caawinaynaa ama talinaynaa inaad go,aan ka gaartid in aad aqbasho ama diido baaritaanada noocaan ah. (Baaritaanadaan waxaa dhici karta inuu qarash badan ku baxo) 

 Haddii waxaan caadi ahayn ilmahaaga laga helo ama lagu arko , waxaan xoogga saaraeynaa in aan kaa caawino diyaargarowga dhalashada ilmahaaga. 

Waxaan ku siinaynaa warbixino ku saabsan gargaarada kala duwan ee ay helayaan waalidiinta sugaya in uu u dhasho ilmo-dhiman ama curyaan ah ama curyaanimo ku dhalan doona.

Ilmahaada weli aan dhalan iyo dhalashada ka dib wuxuu helayaa kaalmooyin badan dhalashada ka dib wuxuu helayaa daryeel caafimaad oo ah in marhoreba laga hormariyo caruurta kale ee la da,da ah taas oo laga caawinaayo in jir ahaan iyo maskax ahaanba la kaalmeeyo.

Haddii ay kaa soo go,do ama go,aan ku gaartid inaad ilmahaas iska soo xaaqdid ama ridid waxaan kaa caawinaynaa ama kula garab istaagaynaa go,aankaan culus ee aad qaadatay sidii waqtigaan adag aad ugu gudbi lahayd.