Waqtiga ay Haweeneyda uurka leedahay.

Dumarka oo dhan waxay la kulmaan goorta ay uurka leeyihiin isbedelo badan. Farxad, rajooyin iyo weliba su,aalo badan rajo la,aan ku gelin kara waxaa kaloo iyana dhici karta inay cabashooyin ama xanuuno kula darsaan kuwaasoo ku hayn doono isbuucyo iyo bilooyin. Haddii aadan in mudo ah wadanka Jarmalka ku noolayn weey kugu adkaan doonaa inaad halkaan uur caafimaad iyo wel-wel la,aan aad dareento.

Waxaan doonaynaa inaan arimahaas kaa caawino.

Fadlan la xiriir adigoo kalsooni badan haysta la taliyayaasheena dumarka uurka leh la taliya weeydiina su,aal kasta oo aad qabto.

1. Markii aad ogaato inaad uur leedahay isku day inad raashin wanaagsan oo caafimaadkaaga u wanaagsan qaadatid. Hana isku dayin inaad Qamri cabto iskana jooji sigaarka si aysan ilmaha aad caloosha ku sido uusan dhib u gaarin. Inta aadan wax daawo ah qaadan ka hor la xiriir fadlan dhaqtar ama dhaqtarad. Fadlan ka faa,iideyso baaritaano caafimaad oo ka jira meesha aad degan tahay. (qiyaas ahaan 10 mar ama 3 jeer waxaa lagu saarayaa ama laguugu eegayaa kambuyuuter. Fadlan isku day inaad markaad uur horeda aad tahayba in aad la xiriirtid umuliso, taasoo ilaa aad ka dhalaysid xaaladaada la socon doonta. Umulisadaas way ku sii caawin doontaa dhalmada ka dib adiga iyo ilmahaaga yar. Baaritaanada dhakhtarka iyo umulisadaba uurka iyo markaad dhashid ka dib waa lacag la,aan.

2. Isbuucyada ugu horeeya waxaa dhici kara inaad cabasho badan yeelato, daal badan, lalabo iyo caajis dareentid. Jirkaagu waa inuu la qabsadaa isbedelka kuugu yimid awgeed ee ah uurka. Waxaa kula talin doona umulisadaada ama dhaqtarkaaga. Fadlan ka warqab dareenka jirkaaga iskuna day inaad mar mar nasato. Caadi ahaan dhaqdhaqaaq ama jimicsiga iyo hawo qaadasho weey u fiican yihiin haweenka uurka leh. Fadlan isku day inaadan wax culus kor u qaadin.

3. Sadaxda bilood ee ugu horaysa uurka ama loo yaqaan uuryarida haweeneyda waxay xaq u leedahayinay kala doorato in dhalmada ka hor lagu baaro ama aanan la baarin (baaritaankaan waa kan lagu ogaado wuxuu noqon doono ilmaha uurka ku jira ilmo caafimaad qaba ama xanuunsan). Fadlan isku day inaad heshid koorsooyin loogu talo galay haweenka dhali raba looguna sharaxaayo sida ay dhalmada tahay. Goobta ama meesha aad doonaysid in aad ku dhasho la xirriir waqtiyada ay koorsooyin bixiyaan isbitaalka iyo umulisooyinka waxaadna xaq u leedahay inaad doorato meesha aad ku dhalaysid si uu jawigaagu ama xaaladaadu u ahaato mid degan.

4. Waxaa jira adeegyo bulsho oo kala duwan tusaale ahaan haddii aad baahi gooni ah qabto, caawimaado dharka ilmaha yar markuu dhasho ka dib iyo waxyaabaha uu ilmaha yar u baahan yahay waxay ku xirantahay nooca sharciga aad haysato. Fadlan arimahaas kala tasho lataliyeyaasha dhanka uurka kaala taliya. Iyadaana ka heli kartaa warbixino ku saabsan habka aad baahidaada u dabooli kartid tesaale ahaan waxaa jira sanduuq loogu talagalay haweenka uurka leh iyo dhalaanka. Haddii aad shaqaysid waxaad xaq u leedahay lacag ay qaataan hooyooyinka shaqeeya, waxaad kaloo xaq u leedahay inta aad ilmahaaga haysato, inaan shaqadii aad horay u haysay lagaa burin Karin laguna siiyo lacag hooyooyinka la siiyo iyo waqti fasaxa oo waalidka ay xaq u leeyihiin inay ilmahooda la joogaan.

5. Ilmahaaga yar waxaad ugu baahan tahay sheeyaal ay ilmaha yar marka hore u baahan yihiin sida sariirta caruurta iyo joodarigeeda go,yaal sheey aysan kaadida kadusi karin, miiska caruurta xafaayada loogu bedelo, weelka xafaayadda lagu rido,iyo qaanad yar oo xafaayada lagu rito, baaldi loogu qubeeyo, maro yar oo loogu tirtiro, tuunji Waxaa kaloo lagu siinayaa 2 kartoon oo ay ku jiraan xafaayado, qalab qandhada lagu cabiro, kareemada caruurta oo aanan (caraf-iyo-wax midab ah lahayn wax kiimiko ahna lagu soo darin).gaariga caruurta lagu riixo. Dhar: 1 ilaa 2 bac oo dharka jiifka ah,1 kubeerto, 5 xabo oo dharka isku jooga ee caruurta ah, 5 shaati ama fanaanad dhaxan, 2 iskaalsho ama sigsaan,1koofi, 1 ilaa 2 jaakadood,Dharka qaboobaha. dhalada caanaha lagu siiyo haddii uusan ilmaha yar naaska caano ka cabayn. 2 Rajabeeto ama kaysali. 4 dhalooyinka caruurta caanaha lagu siiyo iyo banbiiradda caruurta afka loo galiyo oo ay nuugaan ama lagu aamusiyo markii ay ooyaan. Sheey kale oo dhalada caruurta caanaha lagu siiyo lagu dhaqo. Hal cartoon oo raashinka caruurta ah. Waxyaabo badan oo la soo istcmaalay oo aad qiimo jaban ku iibsan kartid ayaa jira. Haddii aad doonaysid inaad isticmaasho qalab aad wadankaagii hooyo ku isticmaali jirtay ka badalo qalabka aad haysatid umulisada ama hooyooyinka caruurta haysta.

6. Fadlan isku mashquuli inaad ilmahaaga si wanaagsan raashinka u siisid. Haddii aad doonaysid inaad ilmahaaga naaska siisid ama aad caano dhalada ku siisid waxaa laguu sheegayaa inay aad u wanaagsan tahay inaad ilmaha naaska siiso. Caanaha hooyada nafaqo badan ayuu ilmaha yar ka helayaa. Markasta ilmaha wuxuu helayaa in ku filan caanahaasna ilmaha aad ayey ugu wanaagsan yihiin waxayna ka ilaalinayaan in ilamaaga uu ku dhaco xasaasiyad. Xataa haddii aysan suurto gal kuu ahayn inaad ilamaha naaska siiso si kale ayaad u quudin kartaa. Wadanka Jarmalka waxaa yaala raashin aad u waxtar badan oo caruurta loogu talo galay. Fadlan kala hadal arintaas lataliyayaashaada.

7. Fadlan raadso dhalmada ka hor bilaha ugu dambeeya dhaqtarka caruurta kan kuugu dhow kaasoo laga yaabo inuu joogo qof luqadaada hooyo ku hadla. Baaritaanka ugu horeeya ilmaha sameeya(U2 marka uu -3. ilaa 10 maalin jirsado. U3. 4- ilaa 5 isbuuc marka uu jiro ilmaha yar ayaa la baarayaa). Dhaqtarkaas ayaana mar kasta xaaladiisa caafimaad la soconaya ilaa uu ilmuhu ka koro ama qaan gaar ka noqdo.

8. Lix isbuuc ka hor inta aadan dhalin waa inaad boorsadaada diyaarsataa: sida Baasaboorka caafimaadka ee hooyadda iyo dhalaanka, kaarka caymiska ee caafimaadka, warqad cadayn cida qarashka dhalmada bixinaysa,warqadda dhalashadaada adiga,warqadda guurka, dhar wixii aad ku bedelan lahayd markaad dhasho, aqoonsigaaga, iskaalshooyin ama sigsaan qaboowbaha, dharka dhaliinka sida (fanaanad iyo dharka jiifka), waxyaabaha aad qubayska u isticmaasho iyo waxyaabaha la isku qurxiyo. Hadii aad caadi u dhashid waxaad qiyaas ahaan isbitaalka ku jiraysaa 3 maalmood haddiise ilmaha laguugu soo qalo ilaa 5 maalmood. Fadlan horay u soo qaado haddii aad haysatid kaamiro ama mobil noocyada cusub ah si aad sawiro lama ilaawaan ah uga qaadid ilmahaaga markuu dhasho ka dib.

9. Reerka aanan sharciga wadanka isku qabin waa inay dhalmada ka hor tagaan xaafiiska guurka ama xaafiiska caruurta qaabilsan si loogu sameeyo warqcad cadaynaysa inuu aabaha yahay ruuxa dhalay ilmaha caloosha hooyada ku jira.

10. U raadi ilmaha kale ee aad dhashay waqtiga aad dhalayso ama mudada isbitaalka ku jiraysid cid kuu ilaalisa ama kuu xanaanaysa caruurta iskuna day inaad diyaarsatid gaarigii isbitaalka kuu qaadi lahaa( sida Taksi, Bas, ama qof kale oo gaarigiisa kuugu geeyo).

11. Marka ay dhalmada soo dhowdahay wax kasta weey kugu adkaanayaanama cuslaanayaan . haweenka badanaa laabjeex, dhabarxanuun iyo hurdo la,aan ayaa ku dhaca. Dhawaan dhibkaas oo dhan wuu ku dhaafi doonaa oo ilmahaaga yar ayaad dhabta saaran doontaa. iyadoo aan waqtigii dhaliinka la gaarin haddii ay fool ku qabato, dhiig furmo ama biyaha kaa soo daataan fadlan si dhaqso ah ula xiriir dhaqtarkaaga ama umulisadaada.

Taleefankaan 08000 40 40 020 waa telefon loogu talay inay wacdaan haweenka uurka leh in lagu caawiyo. Waan telefon haweenka uurka leh ee dhibaato haysata wacan karaan laguna caawiyo, Dadka telefoonkaas kaa qabanaaya oo kula talinaaya waxay ku hadlaan 17 luqadood oo kale duwan teleefonkaasna waa bilaash waqti kastana waa la wici karaa haddii aad donaysidna magacaaga ha u sheegin wadahalkaasna waxuu noqonayaa mid sir ah oo aanan cid kale loo sheegin.

Waxaan kuu rajaynaynaa inuu uurkaada iyo dhalmadaba guul kuugu dhamaado.