Umuliso

1. Wadankiina ma ka jirtaa xirfadda umulisada? 

Waxaa laga yaabaa in wadankiina haweenka uurka leh in ay  caawiyaan haween khibrad ama waayo aragnimo dheer leh sida hooyooyinkooda, walaashooda ama saaxiib in ay la taliyaan ama caawiyaan.

Wadanka Jarmalka waxaa ka jira caawinaad kale oo dheeri ah ay ku caawinayaan dad lagu kalsoon yahay oo la taliya haweenka uurka leh.

Waxaad xaq u leedahay inay garab ku siiso umuliso.

Waxaa laga yaabaa inaad su,aalo is weydiinayso  dareensantahayna inaad keli ku tahay welwelka iyo walbahaarka, cabsida, ama xataa farxadda  ku saabsan ilmaha yar ee aad dhali doontid?.

Daryeelka caafimaadka guud ee wadanka  Jarmalka, baaritaanada hooyada uurka leh, hiil iyo hoo lala garantaaganyahay haweenka uurka leh iyo caawinaado loo samaynaayo hooyada iyo dhalaanka ma yihiin mid kugu cusub?

Waxaad naga helaysaa talo iyo tusaale, xaaladaadana waan la soconaynaa warbixina kaa siinaynaa hadba meesha ay marayso.

2. Umulisaddu maxay qabataa?

Umuliso waa qof ku taqasusay wax kasta oo ku saabsan xaga dhalmada, dhalida iyo xanaaneyta dhalaanka. Waa qof aqoon gaar ah u leh dhalida loona soo tababaray.

Umulisada waxaad kala  hadli kartaa farqiga u dhaxeeya Dhalida iyo xanaanaynta dhalaanka  wadanka Jarmalka iyo wadankaaga.

Umulisadu way kula talinaysaa kuna caawinaysaa ka hor iyo dhalmadda dabadeedba. Shaqada ay qabanaysana waxay ku qasban tahay in ay ilaaliso sirta ama xogtaada gaarka ah, cid kalena lama wadaagi karto ama wax warbixin ah adiga kugu saabsan cid kale uma sheegin  karto  iyadoon adiga  ogolaasho kaa haysan.

Adeegyada ay umulisada kuu fidinayso waa lacag la,aan.

Waqtiga Uurka:

Umulisada waxay kaa caawinaysaa su,aalaha ku saabsan quudinta ama nafaqaynta, isku galmadda,xiriirka adiga iyo ninka ka dhexeeya,  xanuunada la socdaan  mudada uurka aad leedahay  sida lalabada, laabgubashada, dhabarxanuunka, Foosha aan waqtigeeda la gaarin ee soo hormarta  iyo cabsida la socota. 

Waxay kaloo kaa  caawinaysaa markii aadan garanayn waxyaabaha uu ilmahaaga yar u iyo adiguba u baahan tihiin.

Umulisada waxay kugu samayn kartaa baaritaano ka hortagid am aka taxadir ah  waxay kaloo awoodaa in ay kambuyuuter-yar ku saarto.

 Waxaad awoodaa Inta aad uurka leedahay in baaritaanada aad u baahantahay  kugu samayso umulisada, dhaqtarad ama dhaqtar ama labadana waad isku badali kartaa.

 Umulisada waxay kaala hadli doontaa  meesha aad ilmahaaga u rabtid inaad ku dhasho.

Waxay kaloo kaa  saacidaysaa inaad ka qayb gashid koorsooyin ku saabsan diyaargarowga dhaliinka. Waxaa jira casharo isbuuciiba mar la qaato kaasoo isbuucyo badan soconaya ama kooras dhacaya dhamaadka isbuuca. Meelaha qaarkood waxaad ka heli kartaa casharo ku baxaya afkaaga hooyo ama uu kuu turjumaayo qof turjubaan ah. Casharadaas waa kuwa dumar oo kaliya loogu talo galay. Waxaa iyagana jira casharo aabayaasha ay la socon karaan dumarka.  Adiga ayaana go,aan gaaraya casharka aad doonaysid inaad ka qayb qaadato. Casharada noocaan ah waxaad ku baranaysaa sida ay wax u dhacayaan laga bilaabo foosha ilaa aad ka dhalayso ilmaha yar  sida xanuunka loo yarayn ama loo xakamayn  karo waxaana lagu siinayaa talooyin iyo tusaalooyin  badan oo ku saabsan waqtigaa aadka ugu muhiimsan ilmaha, Sida aad naaska u siinaysid, quudinta,daryeelka dhalaanka.

Waqtiga dhalmada:

Umulisada waxay hiil iyo hooba kuula garab taagantahay waqtiga dhalmada.  Waxay ku Tusaysaa habab ama xeelado badan oo kuu sahlaaya dhalmada, iyo sida aad u neefsanayso. Waxay kaloo kaa caawinaysaa in hooyada iyo dhalaanka dhibaaytooyinka dhalmada  si fudud  uga gudbaan. Haddii waqtiga foosha ama dhalmada  socoto dhib yimaado waxaa diyaar kuu ah  Dhaqtar ama Dhaqtarad.

Dhalmada dabadeed- waqtiga umusha aad ku jirto:

Hooyada iyo ilmaheeda yar waxay joogi karaan isbitaalka maalmo,ama-markay waxwalba caadi yihiin-saacado ka bacdi, waxaad aadi kartaa gurigaada Umulisada ayaa kugu caawinaysa ama kugu soo booqanaysa  gurigaaga ama deegaanka aad degan tahay.

Tobanka maalmood ee ugu horeeya dhalmada ka dib umulisada  waxay kuu imaanaysaa maalinwalba. Haddii aad dhib kala kulanta naasnuujinta dhalaanka ama aad qabto su,aalo ku saabsan quudinta dhalaanka ti toos ah ula xiriir umulisadaada.

Umulisada waxay aad uga warhaynaysaa caafimaadka hooyada iyo dhalaanka waxayna hooyada ka caawinaysaa sida ay hooyada ilmaha naaska u siinayso, sida ay hooyadda ilmaha yar caanaha dhalada u siinayso, iyo ilmaha yar nadaafadiisa. Waxay kaloo ilgaara ku eegaysaa xudunta ilmaha yar, culayskiisa mar kastana talo iyo tusaale ayey kula dhinac taagantahay.

Umuliso kuu gaar ah  ayaa la soconaysa sanadka ugu horeeya dhalaanka caafimaadkiisa. Weydii  lataliyahaaga inta aad uurka leedahay.

3. Sideen ama xageen ka heli karaa umuliso?

Waxaa aad muhiim u ah, in waqtigaan, gaar ka ah oo aad hooyo ama waalid noqonayso in si wanaagsan laguula taliyo. Fadlan isku day  laga bilaabo markaad uuryarida aad tahay am  12 usbuuc( 3 Bilood) inaad heshid umuliso ku caawisa . wadanka Jarmalka umulisooyinkooda aad ayey u mashquulsan yihiin. sidaa daraadeed waxaa dhici karta markaad  bilaha ugu dambeeyo aad raadisid umuliso inaad weyso. sidaa daraadeed u tag ama la xiriir ururka la taliya haweenka uurka leh ee donum vitae.